Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xun tahay shaqaaqooyinka ka socda magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool. DFS waxay ku baaqday in si nabad ah loo maareeyo shaqaaqooyinkaasi, iyadoo loo turayo shacabka degaankaasina laga dhowrsado in dhiig dambe halkaasi ku daato. Waxay sidoo kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya tacsi u dirtay qoysaska iyo eheladii...

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa war Qoraal ah kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. “Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii...

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo hatan ah Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinka qaaday dowladda Soomaaliya, kadib soo dhoweyntii loo sameeyay madaxweynaha dalka Jabuuti. Cabdirxamaan Cabdi Shakuur ayaa si weyn u dhaleeceeyay xirnaashaha waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inay si gaar ah u saameysay shacabka. Sidoo...

Hay’adda Guud ee Cuntada iyo Daawooyinka we dalkaasi ayaa soo saartay Go’aan Farxad leh oo ku aadan in Xayiraadii laga qaaday Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jirey Boqortooyada Sacuudiga. Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday Xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay Hilibka iyo Xoolaha Geela, Lo’da iyo Idaha laga keeni jirey...

Xaaladda Magaalada laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa kacsan maalintii Saddexaad , halkaas weli dibad baxyo ay ka socdaan, kaas oo ay dhigayaan qaar kamid ah Shacabka Magaalada. Dadka bannaabaxa dhigaya ayaa cabasho ka ah dilalka qorsheysan ee mar walba ka dhaca magaalada laas-Caanood, iyada oo Somaliland aysan waxba ka qaban dilalkaas. Bannaanbaxyadii ugu dambeeyay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa. Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed...

Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sii adkeeyay hadalkii uu dhawaan sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo la xiriiray masuuliyiin xiriir la leh kooxda Al-Shabaab. Yaasiin Fareey oo bixiyay wareysi gaar ah ayaa sheegay in xiligii uu joogay hogaanka NISA ay soo xireen masuuliyiin...

In ka badan 180 qof oo ka soo jeeda Qowmiyada Muslimiinta ee Rohingya oo in ku dhow hal bil doontii ay la socdeen lagu la’aa Badda ku ayaa la soo badbaadiyey. Qaxootigaasi oo ay ka muuqatay macuul, Fuuq-bax iyo daal ayaa waxay doonidii alwaaxa ee ay la socdeen ay maanta ku soo caariday Xeebaha Gobalka Aceh ee dalka Indonesia. Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaa shado sidii...

Booliska Nigeria ayaa sheegay inay baarayaan askari dilay haweeney qareen aheyd, isla markaana xaamilo aheyd, oo aan hubeysneyn kadib markii ay ka soo baxday kaniisadda Christmas-kii. Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Lagos ayaa wacad ku maray in baaritaanku uu noqon doono mid degdeg ah laakiin dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Nigeria aysan wax weyn...