Qaxootigii Reer Rohingya oo la soo badbaadiyey

by admin | Wednesday, Dec 28, 2022 | 237 views

In ka badan 180 qof oo ka soo jeeda Qowmiyada Muslimiinta ee Rohingya oo in ku dhow hal bil doontii ay la socdeen lagu la’aa Badda ku ayaa la soo badbaadiyey.

Qaxootigaasi oo ay ka muuqatay macuul, Fuuq-bax iyo daal ayaa waxay doonidii alwaaxa ee ay la socdeen ay maanta ku soo caariday Xeebaha Gobalka Aceh ee dalka Indonesia.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo xubno ka tirsan qaraabada Qaxootigaasi ayaa xaqiijiyey in Nolol lagu helay qaxootigaasi oo ka koobnaa 83 rag ah, 70 Haween ah iyo 32 Carruur ah.

Dhanka kale, ugu yaraan 20 qof oo ay ka mid ahaayeen Haween iyo Carruur ayaa ku dhintay Doonida dusheeda muddadii Afartii isbuuc ee ay Safar-baddeedka ku jireen

Like it? Share it!

Leave A Response