Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay musharrixiinta Koonfur Galbeed?

by admin | Wednesday, Dec 28, 2022 | 259 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaa shado sidii loo sii amba qaadi lahaa dib u xorreynta degaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Kulanka Guddoomiyaha iyo musharraxiinta ayaa loo balamay in la iskugu soo laaban doono Caawa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada lagu doonaayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay isagoo sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response