Booliska Nigeria oo lagu eedeeyay dilka Haweeneey xaamilo ah

by admin | Wednesday, Dec 28, 2022 | 327 views

Booliska Nigeria ayaa sheegay inay baarayaan askari dilay haweeney qareen aheyd, isla markaana xaamilo aheyd, oo aan hubeysneyn kadib markii ay ka soo baxday kaniisadda Christmas-kii.

Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Lagos ayaa wacad ku maray in baaritaanku uu noqon doono mid degdeg ah laakiin dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Nigeria aysan wax weyn ka sameyn si ay u joojiyaan naxariis darrada booliiska ee dhaliyay mudaaharaadyada 2020-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response