Bajaajle lagu dilay Beledweyn iyo banaanbax magaalada ka socda.

by admin | Monday, Aug 27, 2018 | 908 views

Askari katirsan Ciidanka Booliska   uu bartamaha magaalada ku dilay wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto Bajaaj.

Goob Joogayaal, waxey soo sheegeen in dilka uu yimid kadib markii uumuran soo kala dhex galay askariga Booliska ah iyo wiil waday Bajaajta, taasoo keentay uu rasaas la dhoco, Dad ka agdhawaa goobta ayaa Isbitaalka weyn ee magaalada ula cararay dhaawaca, waloow markii danbe uu geeriyooday.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saneey, ayaa meydkiisa waxaa wadada soo dhigay dhalinyaro kale oo ay iskala shaqeyn jireen wadista Bajaajta, waxeyna sameynayaan Banaanbax ay ku dalbanayaan in la soo qabto gacan ku dhiiglaha.

Dhalinyarada banaanbaxa dhigeysa, ayaa sidoo kale waxa ay xireen wadooyinka qaar ee magaalada, iyagoo sheegay inaan meydka la aaseynin inta Cadaalada laga horkeenayo dnabiilaha.

Majirto wali wax masuuliyiin ah oo ka hadlay dilka Wado dhexmarta bartamaha magaalada loogu geystay Bajaajlaha lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saneey.

Like it? Share it!

Leave A Response