Banaanbax lasoo abaabulay oo ka bilaawday Magaalada Muqdisho{sawiro}

by admin | Sunday, Jun 7, 2020 | 448 views

Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow ka bilaawday banaanbax ay dhigayaan qaar kamid ah Shacabka Gobolka Banaadir oo la soo abaabulay,kuwaas oo taageero u muujinaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Banaanbaxaan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid lagu taageerayo hadalkii shalay uu Madaxweynaha ka sheegay furitaanka kal-fdhiga 7aad ee Baarlamaanka,kaas oo ahaa in Gobolka Banaadir uu Xubno ku yeesho Aqalka Sare.

Qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho ee waaweyn,sida wadada Maka Almukarama iyo wadada Isgoyska Jubba ilaa taalada daljirka daahsoon ayay dadka ku banaanbaxayaan, iyaga oo ku dhawaaqaya Eryao ay kamid yihiin dowlad diide dooni meyno.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa saakadii hore waxaa ay xireen wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, iyaga oo u diidaya inay maraan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo dadka Shacabka ah ay wataan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya ayaa banaanbaxa ka qeyb-galaya,kuwaas oo la filayo inay dadka kula hadlaan goobo ay kamid yihiin Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

  

Like it? Share it!

Leave A Response