Banaanbax looga soo horjeeday Ciidanka AMISOM oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Aug 19, 2021 | 230 views

Banaanbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ayaa waxaa looga soo horjeeday dilkii dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee ka kamid AMISOM dadka Shacabka ahaa ugu geysteen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid ahaayeen ( DIL GARDARO AH DOONIMEYNO, XASUUQ DOONI MEEYNO) iyo Erayo kale, iyaga oo shuxuurtooda ku muujinayay sida ay uga xun yihiin dilkaas.

Qaar kamid  ah banaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in Ciidamada AMISOM ay si xaqdaro ah u dileen dadka Shacabka, falkaasina uu ahaa mid xasuuq ah oo loo geystay dad Beerahooda ku sugan, isla markaana banaanbaxooda ay sii wadi doonaan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in dhowr jeer sidaan oo kale Ciidamada AMISOM ay u dileen dad Shacab Beeraleey ah, waxaana ay dowladda Soomaaliya ka codsadeen in wax laga qabto.

Guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Weheliye oo banaanbaxayaasha la hadashay ayaa sheegtay inay murugada la qeyb sanayaan, iyaga oo banaanbaxayaasha ka codsatay inay si degan u banaanbaxaan si ay cadaalad u helaan.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa todobaadkii hore waxaa ay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha hoose ku dileen 7 Ruux oo Shacab ahaa kadib markii qarax lala beegsaday, waxaana Madaxweynaha Uganda oo qirtay in Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya geysteen falkaasi uu sheegay in dacwad lagu soo oogi doono.

Like it? Share it!

Leave A Response