Booliska Jubbaland oo bilaabay dhaqan gelinta Amar kasoo baxay Maamulka{AKHRISO}

by admin | Saturday, Apr 3, 2021 | 290 views

Taliska Ciidamada Booliska Dowlad Gboleedka Jubbaland iyo maamulka degmada Kismaayo ayaa saakay bilaabay dhaqan galinta awaamiirta lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid19.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Maanta wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha qaar lag arkay Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan si ay u fuliyan Amarka kasoo baxay Madaxda Sare ee Jubbaland.

Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo oo wadooyinka lagu daadiyay ayaa dadka aan xirneyn ( Facemask) Afxirka weeydiinaya, iyaga oo dadka ku amaraya inay qaataan.

Jubbaland ayaa shalay ku dhawaaqday Amaro ay kamid yihiin in xilliyada habeenkii magaalada Kismaay bandow lagu soo rogay iyo in qof walba uu soo xirto Afxirka, qofkii amaradaas fulin waayana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ku batay kiisaska Cudurka COVID-19, waxaana hal maalin kaliya la diiwaangeliyay dhimashada illaa labaatameeyo ruux.

Like it? Share it!

Leave A Response