Cagjar: “Waxba kama jiraan in Cudurro aan la aqoon ay ka dilaaceen Dhulka shidaalka laga qodayo”.

by admin | Monday, Sep 20, 2021 | 401 views

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xannuunada ay ka cabanayaan dadka kunool Gobolka Qorraxeey oo laga wado shidaal qodis.

Cagjar oo la hadlay BBC-da waxa uu sheegay in xannuunada kusoo kordhay Gobolkaas aanay la xiriirin shidaalka baarista laga sameeyay Qorraxeey balse ay baarayaan iyaga oo kala tashanaya guddiga u xilsaaran howshaan.

“Dhibaatooyinka Shacabka ay sheeganayeen waxaa loo xilsaaray Guddiyo, Cuduro aanay deegaankaan horay loogu arag ayaa ku badan, Dhaqaatiirta & Dadka deegaanka way kala duwan yihiin” ayuu yiri Musftafa Muxumed Cagjar.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in kororka Kansarka ee Magaalada Qabri-Dahare wax laga weydiinayo Dhaqaatiirta balse baaris dheeraad ay u baahan tahay isku xirka cudurkaan & shidaal qodista.

“Dhibaatooyinka shacabka ay sheegayeen muddo ayey soo taagnaayeen. Waxaa soo baxay cudurro aaggan lagu aqoonin. “Daraasaadkii ugu horreeyay ee la sameeyay oo ay khuburro deegaanka u dhalatay wadeen waxyaabo fara badan oo wixii caadiga ahaa oo meelaha ka dhacayay ka duwan laguma arag” ayuu BBC-da u sheegay Mustafa Cagjar.

Mashruuca shidaal qodista Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa qabyo ah, waxaa burbursan dhabbaha loogu talagay in ay maraan Gaadiidka howshaan haya, Mustafa Cagjar oo ah Madaxweynaha DDS ayaa sheegay in uu la fadhiisanayo Guddiga arrintaan qaabilsan.

Like it? Share it!

Leave A Response