Caruur walaalo ah oo ku geeriyooday degaanka Mareer

by admin | Thursday, Nov 8, 2018 | 800 views

Wararka laga helayo degaanka Mareer oo qiyaastii degmada Jariiban u jira 35Km ayaa sheegaya in Saddex Caruur ah Labo kamid ah Walaalo yihiiin ay ku geeriyoodeen kadib markii ay ku dhaceen barkad.

Maamulka degmada Jariiban ayaa xaqiijiyay in Carruurtaasi ay isku dayeen in ay biyo ka cabaan Baraakadda ka dibna ay ku dhaceen.

Labada qof ee dhintay ayaa ah Wiilal sidoo kale xaaladeeda Caafimaad ayaa laga Dayrinayaa Gabar laga soo bad baadiyey Berkedii ay ku dheceen Caruurtaasi.

Gurmad looga samayey gudaha degaanka Mareer ee degmada Jariiban ayaa looga soo saaray Caruurtaasi mid ah kamid ah nolol waxaana Caruurtaasi dhamaan ay ka yaryihiin 14 Sanno Jirro.

Like it? Share it!

Leave A Response