Shariif Xasan” Awood ayaa la ii adeegsaday”

by admin | Thursday, Nov 8, 2018 | 735 views

Madaxweynihii shalay xilka ka degay ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in awood loo adeegsaday,taasina ay sababtay in uu ka haray doorashadda Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaallo badan ku bixinayso qaar ka mid ah Musharaxiinta maamulka Koonfur Galbeed,taasina ay sababtay in khal khal Amni la galiyo degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in aan hantida dadweynaha loo adeegsan in lagu dhibaateeyo Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa tilmaamay in u doorbiday in uu tanaasulo si aysan u dhicin dhibaato,maadaama dowladda dhexe ay doorashadda faraha kula jirto.

Like it? Share it!

Leave A Response