Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) ayaa xalay ku hoyday magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii shalay safar uu ku gaaray halkaasi. Madaxweynaha ayaa xalay kulamo xog wareysi iyo dhiiragelin la qaatay maamulka gobolka gaar ahaan kuwa degmada u qaabilsan iyo odayaasha dhaqanka, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta degmadaasi. Ujeedka...

Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada arrinsadaan baaritaan wada jir ah oo lagu sameeyo arrinta weriye caan ah oo u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay. Weriyahaasi oo lagu magacaabi jiray Jamaal Khashoggi ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay gudaha qunsuliyadda Sucuudigu...

Ururka Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday degaanka Deynuunaay, oo qiyaastii 26-KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Shabaabka ayaa dhanka Koonfureed ka galay deegaanka Deynuunay, iyagoona iska cabin kala kulmay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo. Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka...

Jiddka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa subaxnimadii hore ee la xiray, sababtu waa xuska sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegatay Qaraxii kadhacay isgoyska Zoobe ee KM5 oo dhacay 14-kii October 2017 maalin Sabti ah. Ciidamada ayaa dadka lugeynaya baaris dheeraad ah ku sameynaya, halka gaadiidka iyo mootooyinka Bajaajta loo diidayo inay isaga kala gudbaan isgoysyada magaalada...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee qaraxyadii Alshabaab kula beeegsadeen magaalada Baydhabo. Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay  weerarkan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska...

BBC-da ayaa ogaatay in waddamada Britain iyo Mareykanka ay suurtagal tahay in ay qaadacaan shirweyne dhaqaalaha iyo maalgashiga ku saabsan oo la filayo in bishan uu ka furmo dalka Sucuudiga, sababo la xirira arrinta weriyaha Sucuudiga u dhashay ee la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay. Waxaa sidoo kale soo baxaya in waddamada reer galbeedka intooda badan ay ka hadleen...

Maxkamadda Millatariga Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab waxa ay ku toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan horey ugu xukuntay...

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qaraxyadii shalay gelinkii dambe lagu weeraray laba maqaaxi oo ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxyadan oo ay fuliyeen laba nin oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab, islamarkaana isku soo xiray suumanka qarxa ayaa beegsaday laba maqaaxi oo ay si aad ah u soo camireen dad shacab ah oo halkaasi ku shaaxeynayay. Khasaaraha...

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in labo qarax oo xooggan ay ka dhaceen abaarihii xilliga Maqribka. Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gaari waxaana u dhaxeeyay u dhaxeeyeen ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo, waxaa la sheegaya in Hotel caan ah iyo goob maqaaxi ah oo dadka isugu yimaadaan la qarxiyay Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu...

Maamulka Gobalka hiiraan ayaa sheegay in ay isku furi doonan wadada isku xirta magaaloyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burde, xilli AMISOMay iyana ka dhawaajiyay howlgal waddo furis ah. Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraaan, C/raxiin Muxummad Taakooy ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid dhowaan la fulin doono, islamarkaana dadka lagasaari doono...