Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waxaa saakay oo Sabti ah lagu wadaa in xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay meel mariyaan wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka KMG ee dalka u yaalla. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumadiisa ayaana dedaal badan ku bixinaya sidii xildhibaanada labada Aqal u meel marin lahaayeen wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka, halka ay arrintan...

Wariye mucaarad ku ah xukuumadda Iran kana howlgalayay telefishin fadhigiisu yahay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ayaa toorey lagu dhaawacay, kaddib markii lagu weeraray meel u dhaw gurigiisa. Pouria Zeraati, oo 36 jir ah ayaa toorey lagu dhaawacay xilli uu ku sugnaa bannaanka gurigiisa, waxaana wariyaha loola cararay isbitaal oo hadda lagu daweenayaa...

Baarlamaanka Soomaaliya waa in uu diidaa wax ka beddelka dastuurka ee la soo jeedinayo ee wiiqaya ilaalinta xuquuqda carruurta, Human Rights Watch ayaa sidaas sheegtay .   March 30, 2024, labada aqal ee baarlamaanka ayaa la filayaa in ay u codeeyaan soo jeedinta wax ka bedelka, taas oo hoos u dhigi doonta da’da qaan-gaarnimada – kordhinta khatarta guurka...

Al-Shabaab ayaa u muuqdo kuwo isku dayaya in ay ka faa’iideystaan hakadka ku yimid hawlgalada dib-u-xoreynta dalka, si ay dib ugu soo laabtaan dhulkii horaan laga saaray. Shabaabka ayaa bartamihii bishan bilaa dagaal kula wareegay deegaano dhaca koonfurta Gobolka Mudug, ka dib markii ay soo banneeyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda. Shabaabka ayaa tan iyo...

Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka socda Degmada Diinsoor Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la hadlay warbaahinta  dagaalkaan waxa uu u dhaxeeya maleeshiyaad maalmihii u dambeeyay is hor fadhiyay. Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in dagaalkaan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed in uu yimid kaddib markii...

Wasiirka dastuurka iyo caddaaladda xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax wadatashi ah oo ka maqan wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya aysan jirin. Wasiirka ayaa sheegay in ay dhamaatay doodda dib eegista wax ka beddelka, haatanna loo gudbay in baarlamaanku uu meel mariyo dib u eegista lagu sameeyay dastuurka, isagoo ku tilmaamay tallaabo...

Ururada aan dowliga ahayn ee ka jira dalka Marooko ayaa ugu baaqay dowladooda inay soo faragaliso oo ay ka hortagto xukun dil ah oo lagu riday lix qof oo u dhashay dalka Morocco. War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen waxay ku sheegeen inay ka war heleen xukun ay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay soo saartay 2-dii bishan March, kaasoo lix qof...

Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa dhawaan afduub u geesatay markabka MV Abdullahi oo laga leeyahay dalka Bangaladesh, markabkan ayaana la afduubtay xilli uu ka shiraacday dekad kutaalla dalka Muzambique kuna sii jeeday dalka Imaaraadka. Bur-cad badeeda Soomaalida ee afduunka u geesatay markabka iyo shaqaalaha saaran ayaa ka dalbaday malkiilayasaha iska leh markabkaasi...

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle Muuse Salaad Weliye ayaa ka amba-baxay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi. Guddoomiyaha oo safar dhanka dhulka ah uga soo amba baxay Jowhar ayaa gaaray magaalada Beledweyne, waxaana Guddoomiyaha cusub galbinayaygaadiid dagaal iyo Ciidamo uu watay. Guddoomiyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Magaaladaas...

Sicir-bararka Soomaaliya ayaa hoos u dhacay bishii saddexaad oo xiriir ah, isagoo gaaray 5.65% bishii Feberaayo 2024-kii, taasoo ka dhigan saddex bilood inuu hoos u dhacay, isagoo hoos uga dhacay 6.19% bishii Jannaayo, sida ay sheegtay SNBS. Qeybaha ugu weyn ee sicirkoodo Kordhay (+) waxaa ka mid ah: Isgaarsiinta wuxay arktay koror la taaban karo oo sanadlaha ah tasi oo...