Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Iran aya ku eedaysay Israel inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen, weerar ay ku qaadeen magaalada Isfahan ee ku taalla bartamaha dalka Iran, kaasoo dhacay maalintii Sabtida ahayd. Qoraal lagu baahiyey bogga ay leedahay safaaradda Iran u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in calaamadaha hordhaca ahi inay muujinayaan in Israa’iil ay ka masuul...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS, waxaana uu kala hadlay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga...

wararka naga soo gaaraya magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidamada Somaliland ay halkaasi kudileen Wiil halinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka Canka ka ah Magaaladaas. Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Dhayloos ayaa xilliga la dilayay oo uu ku sugnaa meelo kamid ah  Magaalada laascaanood uu ku hubeysnaa Qoriga AK47, balse...

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir oo uu hor-kacayay Taliyaha Saldhigga Gaashaanle Dhicis ayaa ku guleystay qabashada Koox iskugu jirtay burcadda Hubaysan iyo Ciyaal-weerada Kuwaas oo Ciidanku ka qabtaan isla Degmada Hodan. Kooxdaan oo afar kamid ah ay yihiin Ciyaal-weero ayaa dhaawac u geysatay labo Muwaadin, iyaga oo ku Dhaawacay Mindiyo ay...

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug, isagoona ciidamada Daraawiishta iyo kuwa xoogga dalka ee halkaas ku sugan gaarsiiyay Shidaal iyo Xoolo. Wasiir Gaboobe oo ay booqshadaan ku wehlinayeen Senator Siciid Siyaad Shirwac iyo Wasiir ku xigeenka Beeraha Galmudug,...

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkigu aanu ogolaan doonin in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO, illaa iyo inta dalkoodu ogol yahay in ay dhacaan mudaharaado lagu xumaynayo kitaabka barakaysan ee Quraanka Kariimka ah. Dalka Turkiga ayaa in muddo ah hortaagnaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan isbahaysiga milateri ee dalalka...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo khamiis ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo horey dilal ugu geystay Askar kale oo ay shaqo wadaag ahaayeen. Afar ruux ayaa lagu toogtay faraagaha Iskuul Buluusiya, waxaana lagu kala magacaabi jiray: 1- Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa. 2-...

Waxaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraastii banaaneyd ee Golaha Shacabka, kaasi oo uu tirsigiisu yahay HOP#147. Kursigan ayaa waxaa horay u banneeyay Mahad Maxamed Salaad oo muddo ku fadhiyay, kadib markii loo magacaabay xilka agaasimaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA. Doorashada...

Al-Shabaab ayaa degaanada ay maamusho ku soo bandhigtay seddax askari oo ay tillmaameen inay kasoo goosteen Maamulka Jubbaland oo watay gaari ay kala soo goosteen wasiir ka tirsan Maamulkaas Cabdicasiis Abuu Muscab Afhayeenka howlgallada ee Al-Shabaab ayaa sheegay in askartaan ay towbad keentay, kana soo baxeen Jubbaland, isagoo xusay iney la soo goosteen gaari. Wararka...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada...