Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo culus ka sameeyeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyo degaano hoostaga. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa xaqiijinta Amniga, isla markaana ay ku guuleysteen inay qarxiyaan miino ay Al-Shabaab ku Aaseen wadada dhinaceeda, si ay ugu dhibaateeyaan...

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka...

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dallaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan  u tegay dalkaas. Muwaadinka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal ayaa lagu hor toogtay dukaankiisa oo kuyaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika. Mid kamid ah Soomaalida ku sugneyd xilliga uu...

Kulan looga hadlayay Amniga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Gaallacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada kunool Magaalada Gaalkcyo. Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Galmudug...

Puntland ayaa soo bandhigtay qaar katirsan dagaalamayaashii Alshabaab ee weeraray xabsiga magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah maxaabiistii Alshabab ee lasoo qabtay markii ay xabsiga ka fakadeen. Maxaabiista lasoo bandhigay oo bixinaya wareysiyo kala duwan ayaa ka sheekeeyay sidii loosoo qorsheeyay weerarkii Alshabaab kula wareegeen xabsiga Boosaaso, halkaas oo ay kala...

Madaxweyne kuxigeenka labaad  ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa maanta oo Jimce ah kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaanada Buulo-guduud iyo Baarka. Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Amniga Jubbaland...

Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda. Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Nuur Maxamed Xuseen oo dhinaca Al-Shabaab looga yaqaano ( Guudow) ayaa Saraakiisha Ciidamadu sheegeen in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu. Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub. Intaas kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Ammniga oo ay goobjoog...

Laba boqol oo qof oo isugu jira Mareykan iyo ajaaniib kale oo ku sugan Afghanistan ayaa lagu wadaa inay maanta Kabul kaga baxaan diyaarad gaar ah, kadib markii dowladda cusub ee Taalibaan ay ogolaatay in la daad-gureeyo, waxaa sidaas sheegay sarkaal Mareykan ah. Dhoofitaankan ayaa ka mid noqon doonaa duulimaadyadii ugu horreeyey ee caalami ah ee ka baxa garoonka Kabul...

Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka Ee Doorashada 2021 ayaa walaac waxaa ay ka muujiyeen Habraaca shaacinta kuraasta aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, kuwaasnoo uu shakay soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen. Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba suurogal aheyn sida ay u soo bandhigeen  liiska musharaxiinta...