Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore,  ayaa guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) ku eedeeyay in uu xaqiraad kula kacay qaranimada Somaliland kadib kalmada “dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya” ee uu isticmalay. “Waxa ayaan daro ah in guddoomiyaha xisbiga Waddani uu u badheedhay in...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil ee sababay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xaaladda siyaasadeed ee xilligaan dalka. Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Qoyska Ikraan Tahiil, waxaana uu sheegay...

Tan iyo markii uu soo baxay go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya shaqo joojinta ugu sameynayey Taliyihii NISA, Fahad Yaasiin, ayaa waxaa sare u kacay hadal haynta shaqsigaan iyo saameynta dowladda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba, Waxaa si gaar ah isku dul-taagi doona qaabkii uu Fahad ugu soo biirey siyaasadda...

Wafdi ka socda Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hoggaaminayo gudoomiye kuxigeenka Guddiga Maxamed Ibraahim Barre ayaa saakay u safray magaalada Jawhar ee Dowlad goboleedka Hirshabeele. Xubnaha Guddiga ayaa waxay korjoogto ka ahaan doonaan doorashada aqalka sare BFS, ayaga oo diyaar u ah inay ka garnaqaan cabashooyinka kasoo noqon karaan Doorashooyinka. Maanta...

Xilli xalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu xilkii ka qaaday wasiirkii Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa waxaa uu kasoo horjeestay xilka qaadistaas. Wasiir xundubeey waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu kaliya yahay xilgaarsiin, isla markaana uusan xilka ka qaadi Karin, shaqadiisuna uu yahay siiwadida holwha kale...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulada Galmudug & Puntland oo wadajira ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan kuwa falalka amni darro ka geysta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Waxaa uu uga digay Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab inay sii wadaan falalka Amni darro oo ay ka geystaan Gaalkacyo, isaga oo...

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciiddanka dalka Suudaan ayaa ku burburtay Koonfurta Caasimada dalkaasi ee Khartoum. Goobjoogayaal la hadlay Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA ayaa sheegay inay Diyaaradahaasi ku dhacday Biyaha Webiga Cad. Duuliyaha Diyaaradda waxa uu isu dayey inuu mar kale ka duuli Webiga balse ay Diyaaradii la quustay. Gurmad ayaa soo gaaray,...

Ciidamada Kenya ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee ku sugan Kismaayo ayaa qaatay tababar dib -u -cusbooneysiin ah oo ku saabsan Ilaalinta Rayidka inta ay socdaan howlgallada milateri. Tababarkan oo ku saabsanaa Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta haweenka iyo carruurta, tacaddiyada galmada ee la xiriira rabshadaha...

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa Maanta howlgalo ay sameeyeen ku guleystay in ay qabtaan lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la donaayayain si qarsoodi ah loo galiyo Magaalada Bosaaso taas oo lagu qabtay Koontoroolka Magaalada. Lacagtaan faalsada ayaa dhameyd in ka badan 2Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo yuurooda...

Dagaallo ayaa ka soo cusboonaaday  maanta oo Arbaco ah, qeybo kamid ah Marib, ee waqooyiga dalkaasi Yeman, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Yeman iyo maleeshiyada Xuutiyiinta. Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo soo xiganaya milateri Yaman, dagaaladan ayaa  24-kii saac ee la soo dhaafay si xariir ah ugu socday waqooyiga Yeman, kuwaa oo duqeymo cirka ah oo lala beegsaday Xuutiyiinta...