Ciidamada Dowladda oo howlgal ku qabtay rag Burcad ah.

by admin | Monday, May 3, 2021 | 289 views

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleeystay inay gacanta ku dhigaan Burcad dhibaato ku haayay Shacabka ku dhaqan degaano hoosyimaado Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Ciidamada ayaa howlgal amni xaqiijin ah kasameeyay degaano hoosyimaado magaalada jowhar,.waxaana saraaliisha ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen laba kamid ah Kooxaha Burcadda ah oo dadka dhibaateen jiray.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in Ujeedka howgalka uu ahaa baacsiga burcad dhibaato kuheeysay shacabka kudhaqan degaanadaasi hoosyimaado magaalada jowhar kadib cabasho uga timid dadka Shacabka ah.
Howlgalka oo ay sameeyeen Guutada 3-aad Qeybta 27-aad Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxeey kasameeyeen degaanada caliwarabey, gumarey, morajido, gololeymobleyn, sarsare cadaga, madaxgise, oo hoosyimaado magaalada Jowhar.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay abaanduulaha Guutada 3-aad Gaashaanle Xuseen Fagaaso iyo Taliyaha Howlgalinta Guutada Dhamme Ismaaciil Kuuloow Tuure,waxaana ay sheegeen inay ka ho’an tahay baabi’inta Kooxaha Burcadda ah.

Like it? Share it!

Leave A Response