Ciidamada xooga dalka ayaa Maanta waxaa ay howlgal ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyaga oo Al-Shabaab kala wareegay Tuulada geelgub oo qiyaastii 20 km u jirta degmada cadalle oo ay ku sugnaayeen.{sawiro}

by admin | Friday, Dec 20, 2019 | 722 views

Magaalada Beledweyne gaar ahaan xarunta Dhexe ee Saldhiga Booliiska waxaa maanta lagu qabtay munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay 20 December oo ku beegan maanta oo kale 1943 kii Aas-aaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeybgalay munaasabada mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulka gobolka Hiiraan,  saraakiisha ciidan, AMISOM , iyo martisharaf isugu jirtay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay maamulka gobolka, kuwaa oo dhamaantood goobta ka jeediyay khdbado isugu jiray taariikhda ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo dhiirigalinta ciidanka Booliiska Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan oo lagu amaanay kaalinta ay ugu jiraan sugida nabad-galyada.

Xuska sanadguurada 76-aad ayaa ku soo beegmaya  xilli dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay ciidanka Booliiska Hirshabeelle oo ay ku biiireen dhalinyarro Soomaaliyeed oo qaarkood ka baxay dugsiyada, kuwaa oo ku soo kordhiyay ciidanka aqoon iyo in sare loo qaado tayada ciidanka.

Ugu dambeyntii Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada,Alifleyda, Dableyda  iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan ayaa loo diray hambalyo in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo  barwaaqo.

Like it? Share it!

Leave A Response