Sacuudiga oo qaadacay Shirka dalalka Islaamka ee ka socda Kuala Lumpur

by admin | Saturday, Dec 21, 2019 | 710 views

Magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malasia waxaa maalintii sadexaad ka socda shir Madaxeed ay leeyihiin dalal dhowr ah oo Muslimiin ah, kaasoo ay uga hadlayaan qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu ad-adag ee heysta dunida Muslimka.

Dalal dhowr ah oo Sacuudigu uu ku jiro ayaanan ka qeyb galain shirka.

Sacuudigu waxa uu sheegay in shirkaasi uu qaadacay inuu baal maray ururka dalalka Islamka ay ku bahoobeen ee IOC.

Iran, Turkiga iy Qatar – oo sadexduba ay is-hayaan Sacuudiga ayaa ka qeyb galaya shirkan.

Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Malaysia ayaa ah labadda Shaqsi ee ugu horreeya qaban qaabadda Shirkaan si wax looga qabto dhibaatooyinka heysta Muslimiinta.

Like it? Share it!

Leave A Response