Ciidamo weeraray Xarunta Maaliyada Gobolka Shabeelaha dhexe oo ku taala magaalada jowhar.

by admin | Saturday, Jun 8, 2019 | 810 views

Ciidamo ka tirsan milatariga dowlada soomaaliya ayaa weeraray xarunta maaliyada gobolka shabeelaha dhexe oo ku taala magaalada jowhar.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay xarunta waxaana halkaas ay ka qaateen lacag lagu qiyaasay labaatan milyan oo shilin soomaali ah.

Waxaana u suurta gashay ciidamada weerarka soo qaaday in ay goobta isaga baxsadaan.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka shabeelaha dhexe lkn warar hoose oo aan helay ayaa sheegaya in mudoyinkii danbe ciidamada milatariga ee weerarka soo qaaday aanan la siinin wax guno ah.

Milatariga weeraray xarunta maaliyada gobolka shabeelaha dhexe ee jowhar ayaa ah kuwo ku jira furimaha dagaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response