Ciidanka Booliska oo ka hadlay Dagaalka ka socda Gudaha Hoteelka SYL

by admin | Tuesday, Dec 10, 2019 | 694 views

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sakiyo Xuseen Axmed ayaa faahfaahin ka bixisay Koox hubeysan oo weerar ku qaaday Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka” ayay tiri taliye Sakiyo.

Waxa ay intaasi sii raacisay”Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanka soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo”

Kooxda hubeysan ayaa Saacado badan ka dagaallamaya Gudaha Hoteelka, waxaana ma mararka qaarkood ay ridayaan bambooyin.

Like it? Share it!

Leave A Response