Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay

by admin | Wednesday, Apr 6, 2022 | 393 views

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalkSoomaaligeed ee DANAB  ayaa Hawlgallo Qorshaysan Maalmihii uu dambeeyey ka waday Degaano ka wada tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe & Shabeelaha Hoose.

Degaanadan howlgalku ka dhacay ayaa kala ah jameeco jiliyaale,Gamboole, Fiidow ,Kiliga shiinaha,Dhiingaras,Shaan &Duduble halkaas oo ay Al-Shabaab ku lahayeen Fariisimo kala duwan.

Howlgalka ayaa Waxa siwadajira ah u fuliyey Ururada 4aad & 7aad Ee Guutada 16-aad kumaandooska Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha DANAB ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo labada Shabeelle laga saarayo Ururka Al-Shabaab oo shacabka ku haaya dhibaatooyin kala duwan

Like it? Share it!

Leave A Response