Al-Shabaab oo beeniyay warbixintii kasoo baxday Hay’adda NISA

by admin | Wednesday, Apr 6, 2022 | 456 views

Ururka Alshabaab ayaa beeniyay qoraal dhowaan kasoo baxay Hey’adda NISA, kaas oo ahaa in Alshabaab uu qorsheynayo weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Alshabaab ayaa sidoo kale iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsi lagu Magacaabo Maxamed Maahir oo horay magaciisa ay hey’addaasi sheegtay in uu weerarkaasi qorsheynayo.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, siyaasiyiinta lucaaradka iyo mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka falceliyay qoraalkii NISA, iyaga oo shaki xoogan muujiyay.

Like it? Share it!

Leave A Response