laamaha Amniga Somalia oo gacanta ku dhigay Gaari siday waxyaabaha qarxa

by admin | Wednesday, Apr 6, 2022 | 351 views

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya laamaha Amniga Maamulka Galmudug ayaa waxaa suurto gashay inay gacanta ku dhigaan Gaari siday waxyaabaha qarxa, kaas oo ku wajahnaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha laamaha Amniga Galmudug ayaa sheegay in xog ay heleen ay ku guuleysteen soo qabashada Gaariga oo noociisu yahay Probox, kaas oo ay la socdeen laba Rag ah.

Taliyaha Ciidamada dowladda ee howlgalka fuliyay oo ahaa ururka 72aad guutada 15aad ee Qeybta 21aad Gashaanle Axmad Daahir Cabdulle ayaa sheegay in Gaariga ay geeyeen Saldhiga degmada Guriceel, isla markaana ay faah faahin doonaan howlgalka.

Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo ay gacanta kuhayaan Ciidamada dowladda iyo luwa Galmudug ayaa waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, waxaana dhowr jeer ku dagaamay Ciidanka dowladda iyo xoogagga Ahlusunna.

Like it? Share it!

Leave A Response