Ciidanka dowladda oo howlgalo culus ka wada deegaano ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

by admin | Friday, Jul 28, 2023 | 203 views

Wararka ka imaanaya deegaanada ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi saakay ay ka socdaan howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Deegaanada lasoo warinaayo in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay saakay howlgalada ka wadaan waxaa ka mid ah Fiiqeey, Ceel la helay, Hereeri Dheere,  Lagoow Xassan iyo Bus jiide oo dhamaantood ah deegaano dhaca xadka labada gobol ee Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa guutada 24-aad ee Khaalid Bin Waliid ayaa warbaahinta qaranka waxay u sheegeen in howlgalada ay yihiin kuwa wali socda, islamarkaana khasaare xoogan ay ku gaarsiyeen kooxda Al-shabaab ee ku sugan tuuloyin dhowr ah oo ku dhadhaw degaanka Daarunimca oo ay isku aruursanayeen.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in howlgaladaan ay bilaabeen kadib markii ay heleen xogo ku aadan in xubno ka tirsan shabaab ay isku aruursanayaan tuulooyin dhowr ah oo ku yaala xadka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Gaashaabdhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa goordhaw bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal kooban oo uu ku sheegayo in Al-shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay nawaaxiga deegaanka Daarunicma, inkastoo uusan faahfaahin inta ka badan sheegin.

Like it? Share it!

Leave A Response