Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay arrimo la xariira cunaqabateynta Maaliyeed ee kooxda Al-shabaab

by admin | Friday, Jul 28, 2023 | 165 views

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Brian Nelson oo ah ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortaga maalgalintooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa usoo bandhigay Brian Nelson talaabooyinka dowladdiisa ay ku wiiqeyso daqliga iyo dhaqaalaha kooxda Al-shabaab, isagoona la wadaagay xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta Maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha dhaqaale oo ay ku tiirsanaayeen Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in talaabooyinkan cunaqabateynta Maaliyadeed ee Al-shabaab ay kaalin mug leh ka qaadatay guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo xureynta deegaanada ay ku dhibaateynayeen jiren shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee cunaqabateynta Maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wejiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xureynayo argagixisada iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Brian Nelson ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay, isagoona sheegay in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay aas aas u tahay nabadda guud ahaan gobolka iyo adduunka oo dhan.

Brain Nelson ayaa sidoo kale u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay gacan ka siinayaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab iyo waliba ka hortaga lacagaha sharci darada ah.

Like it? Share it!

Leave A Response