Shir lagu heshiisiinaayo beelo dagaalamay oo Maanta ka Furmaya gobolka Shabeelaha Dhexe

by admin | Friday, Jul 28, 2023 | 168 views

Waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu ka furmo deegaanka Burka Diirimeed oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe shir dib u heshiisiin ah oo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan degmooyinka Raage ceelle iyo Cadale.

Shirkaan ayaa ujeedkiisu yahay in xal waara looga gaaro dagaal beeleed soo laablaabtay oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo wada dega deegaanada hoostaga degmooyinka Raage Ceelle iyo Caddale, kaasoo geystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh, islamarkaana lagu gubay tuulooyin dhowr ah.

Shirkaan lagu heshiisiinayo labada beelood ayaa waxaa hormuud ka ah madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Imaam Daahir iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ku guuleystay todobaadkii hore iney xabad joojin kala dhex dhigaan laba maleeshiyo beeleed, islamarkaana kala qaadaan ciidamada labada dhinac ee is hor fadhiyay.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlawe oo Shalay gaaray deegaanka Burka Diirimeed Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle iyo Odayaasha dhaqanka dhinacyadii dagaalamay oo ku wada sugan deegaankaas.

Gabagabadii dad ku dhaqan deegaaanada hoostaga degmooyinka Cadale iyo Raage ceelle ayaa rajo wanaagsan ka qaba in shirkaan ay kasoo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan oo xal u noqon kara colaada mudada dheer usoo dhaxeysay labada beelood ee wada dega deeganada hoostaga Cadale iyo Raage ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response