Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Puntland oo baaq soo saaray

by admin | Friday, Jul 28, 2023 | 215 views

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland ayaa ku dhaleeceeyay guddoonka Baarlamaanka Puntland go’aankii ay ku laaleen codsi ay beel gudbisay ee ku aaddana in la kordhiyo tirade Xildhibaannada Puntland.

Shir saxaafadeed ay Muqdisho ku qabteen Xildhibaannada kala ah; Fardowso Cismaan Cigaal, wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Axmed Taajir Cabdullaahi Xaashi, Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato) iyo Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere), waxay ku sheegeen inay cambaareynayaan dulmi sharci darro ahna ay tahay in la hor istaago codsiga ay saxiixaan muwaadiniin, sida uu ogalyahay Dastuurka Puntland si loogu kordhiyo matalaada ay ku leeyihiin Golaha Baarlamaanka Puntland.

“Sifada uu sharciga ogalyahay ayaa loo maray codsiga, beesha aan matalnana muddo 25ta sanno ee ay dhisan tahay Puntland ayay cabasho ka muujinaysay matalaada ay ku leedahay Puntland, waa nasiib darro in maantana loogu darro in si cad uu guddoonka baarlamaanka u hor istaago codsiga ay soo saxiixan inan loo gudbin Baarlamaanka.” ayay tiri Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal oo usoo jeedisay beesha ay kursiga xildhibaanno ku matasho in laga fiirsado doorashooyinka ka dhacaya Puntland ka qeybgalkooda illaa laga jawaabayo cabashadooda.

Xildhibaan Axmed Taajir Cabdullaahi, ayaa dhankiisa ku baaqay in la qabto bannaanbaxyo lagu muujinayo dulmiga ay ku kaceen Baarlamaanka, sidoo kale qeybaha bulshada Puntland ayuu usoo jeediyay inay ka dhiidhiyaan go’aanka.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato) iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere) ayaa dhankooda ku tilmaamay go’aanka guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka hor sheegay Xildhibaannada , inuu ahaa ku xadgudub sharci,maaddama Dastuurka la furay qodobbadii looga bahnaa ee doorashadana wax laga beddelay, codsiga ay gudbisay beesha ay matalaana aan la hor keenin Baarlamaanka.

Xildhibaannada si wadajir ah waxay ugu baaqeen kulamo aayo ka tashi iyo wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan qeybaha bulshada ee Tannade oo ka mid ah beelihii wax ka dhistay Puntland oo maalmo kaddib jirsanaysa 25 sanno.

Mudanayaashan ayaa baaqooda ku soo aadday kaddib markii in ka badan 7 kun oo muwaadiniin cod ku leh Puntland oo ka soo jeeda beesha ay matalaan ay saxiixeen codsi ay ku dalbanayaan in la kordhiyo xildhibaannada si ay mataalada ay ku sheegeen ‘midda ay u qalmaan’ uga helaan Baarlamaanka, sida uu u ogalyahay dastuurka Puntland oo dhigaya 5,000 oo muwaadiniin cod bixiyaal ah inay codsan karaan wax ka beddelka Dastuurka, balse go’aanka ay sugayeen oo uu akhriyay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa noqday inan la kordhin karin xildhibaannada illaa inta tiro koob rasmi ah laga sameynayo, kaddib markii uu fasiraad sharci waydiistay maxkamadda Dastuuriga ah, go’ankan oo ay sharci darro ku tilmaameen xubnaha u hadlay beesha Tannade.

Like it? Share it!

Leave A Response