Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo Maanta ka dhacay xadka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

by admin | Friday, Jul 28, 2023 | 242 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo Maanta ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen xadka ay wadagaan gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka khasaare lagu gaarsiiyay Ururka Al-shabaab oo ku dhowaad 10 gaari oo ay ku jireen labo gaari oo nooca loo yaqaano BG, gaari UD ah iyo afar Cabdibille oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab lagu burburiyay howlgalka.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in saldhig ay ku sugnaayeen dagalaamayaasha Al-shabaab lagu burburiyay howlgalka, hayeeshee dowladda ma sheegin tirada rasmiga ah ee howlgalka looga dilay kooxda Al-shabaab.

“Tirada rasmiga ah ee Khasaaraha Khawaarijta gaaray wali waxaa lagu wadaa arruurin iyo xaqiijin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalin ka hor howlgal ka dhacay deegaanka Ceel dhuun adeegoow oo ka tirsan gobolka Baay lagu dilay in ka badan 60 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response