Somaliland: Jabhadii buurta Gacan-libaax oo ka warbixisay sababta ay u dagaalamayaan

by admin | Saturday, Jul 29, 2023 | 288 views

Afhayeen u hadlay jabhadii dhawaan gashay buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa sheegtay in dagaalka ay ku kaliftay kadib markii uu madaxweyne Biixi xoog u isticmaalay mucaaradka.

Afhayeenka jabhada Axmed Cali Haybe, oo waraysi siiyay Bakayle Media, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xabad u isticmaalay xisbiyada mucaaradka, taasina ay keentay in ay xabad kala hortagaan.

“Waxa nagu kalifay in aanu qoriga qaadano waxa weeyaan dowladaha adduunku mucaarad ayay leeyihiin, oo mucaaradku wax buu toosiyaa, lakiin marka cidii mucaaradka ahayd xoog iyo xabad loo isticmaalo, way ka fursanwayday in xabad loo qaato” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in anay jeclayn in ay Somaliland dunto, isla markaana anay rabin in dadku qabaa’il noqdaan oo ay islaayaan, lakiin ay qoriga qaateen kadib markii uu madaxweynuhu wax talo ah maqli waayay, sida uu hadalka u dhigay.

Jabhadan oo dhawaan sheegtay in ay galeen buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil, ayaa Arbacadii afduub u gaystay 8 qof oo isugu jira saraakiil ciidan iyo odayaal ku sugnaa degmada Goda-wayn, kuwaasi oo ay saacado kadib sii daayeen.

Xukuumada Somaliland ayaa subixii Khamiistii buurtan u dirtay ciidamada sida gaar ka ah u tababbaran ee RRU, oo wata dhowr iyo toban gaadhi oo tikniko ah, ciidanku waxa ay sheegeen in ay sugayaan amniga dadka deegaanka oo sas ka qaaday afduubkii ay jabhadu gaysatay.

Hadaba, waxa socda dadaalo la doonayo in si nabad ah hubka lagaga dhigo ragan hubaysan, dadaaladaas oo inta la hubo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo odayaal dhaqameed iyaguna shirar hoose Hargaysa ku yeeshay.

Intii uu talada hayay madaxweyne Biixi tirraba dhowr jabhadood ayaa Somaliland lagaga dhawaaqay kuwaasi oo dhamaantood si nabada hubka lagaga dhigay markii danbe.

Like it? Share it!

Leave A Response