Kooxo hubeysan oo Muwaadin Soomaaliyeed ku dilay dalka Koonfur Afrika

by admin | Saturday, Jul 29, 2023 | 193 views
Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah dhalinyarada dalkaasi u shaqo tagay ku dishay mid ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Port Elizabeth ee gobolka Westren Cape.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee burcadu dishay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed deeq Madar, waxaana la sheegay in burcada ay ku dhex toogatay goobtiisa ganacsi.

Burcada ayaa la sheegay iney horay uga qaateen dukaanka lacago iyo agab kale oo dukaanka dhex yaalay, dabadeedna si bilaa cabsi ah uga tageen goobta ay ku dileen ganacsadaha Soomaaliyeed.

Sida caadada u aheyd ciidanka Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray saacado kadib goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, kuwaas oo goobta iyo nawaaxigeeda ka sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Wadanka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqa doontay, mana jirto cid wax ka qabata dilalka, dhaawaca iyo dhaca ay la kulmaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan, iyadoo dowladda dalkaas ay marwalba sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatooyinka loo geysto ganacsatada Soomaalida ee dalkeeda ku sugan.

Like it? Share it!

Leave A Response