Dad farabadan oo ku le’day dhul go’ ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 138 views

Samatabbixiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed oo ka shaqaynayay sidii ay u gaari lahaayeen baabuur ku go’doonsan godad daadku qaaday, ayaa soo saaray ugu yaraan lix mayd ah.

Roobab dabaylo wata ayaa sababay daadad, dhul go’ iyo koronto la’aan dalka intiisa badan.

Ugu yaraan 26 qof oo kale, ayaa la og yahay inay ku dhinteen daadadkani, halka toban kalena la la’yahay.

Ma cadda inta qof ee weli ku xayiran tunnel-ka dhererkiisu dhan yahay 685 mitir, balse 15 baabuur ayaa loo malaynayaa inay qarqiyeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in tunnel-ka Osong – oo u dhow magaalada Cheongju ee bartamaha Waqooyiga Chungcheong – uu ku soo rogmaday daadad xooggan.

Waxa si degdeg ah u bax saday darawaliinta iyo rakaabka saarnaa baabuurtii uu saaeeyey daadadka, ka dib markii webi u dhow uu qararka jabsaday.

Subaxnimadii Axadda, shan mayd ah, ayaa laga soo saaray gudaha bas. Taasi waxay daba socotay markii la helay hal mayd oo kale, iyadoo sagaal qof ay ka badbaadeen dhacdadii Sabtidii.

Like it? Share it!

Leave A Response