Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay burburisay kaydkii Alshabaab ee waxyaabaha qarxa ee gobolka Galagduud

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 103 views

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud.

Saraakiil katirsan ciidanka Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay khasaare weyn gaarsiiyeen kooxda Alshabaab.

Howlgalka laga fuliyay gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in lagu burburiyay godad Alshabaab ay ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa.

Dowladdu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal badan oo katirsan Alshabaab iyo horjoogayaal.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gariyaale, halkaas oo lagu khaarijiyay 18 xubnood oo Shabaab ah.

Warbaahinta Dowladda ayaa barteeda telegraamka faafisay sawirrada maydadka Alshabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare, ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadayso howlgalkan illaa laga ciribtirayo Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanada hoos yimaada degmada Galcad.

Galcad ayaa kamid ah degaanadii laga xoreeyay Alshabaab, horraantii sanadkan, inkastoo Shabaabku ka geysteen mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo uu ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, Xasan Tuure.

Like it? Share it!

Leave A Response