Duqa Muqdisho oo soo saaray Baaq la xiriira dhismaha waddooyinka Burbursan

by admin | Saturday, Jul 15, 2023 | 139 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Miqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira Isgoyska Shaqaalaha iyo Waddada 21 Oktoobar ee degmada Waaberi, kaas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Caasimadda.

Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Agaasimeyaal, Odayaasha iyo Haweenka Degmada.

Iyadoona dhismaha waddadan ay qeyb ka tahay barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal dollar oo qorshuhu yahay in dadweynuhu ay kaalintooda kaga qaataan horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga, ayaa tilmaamay muhiimadda ay waddadani u leedahay isu socodka Caasimadda, isagoo ugu baaqay shacabka degmada in ay ilaalshadaan dhismaha wadadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response