Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

by admin | Saturday, Jul 15, 2023 | 121 views

Isbaddel muuqda ayaa ka jira howlgalka togan ee la dagaalanka Musuqa oo xooggiisa ka socda xafiisyada iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, howlgalkaan ayaa billowday dabayaaqadkii Bishii Abriil 2023.

Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo xafiisyada ku shaqada leh la dagaalanka Musuqa ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo lagu baaray meelaha musuqa ama wax is dabamarinta ka jiraan si loosoo afjaro.

Mustaqbal ayaa ogaatay isbaddelka ka dhashay baaristaas iyo natiijada togan ee kasoo baxday iyada oo isbaddel weyn uu ka muuqdo dakhliga Dowladda Federaalka ee Garoonka Diyaaradaha Bilihii u dambeeyay marka la barbar-dhigo wixii ka horreeyay baarista.

Meelaha ugu badan ee Hagaajinta Maaliyadda iyo la dagaalanka Musuqa lagu sameeyay waxaa kamid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu firfircoon ee dhaqaalaha Dowladdu ka hesho.

Fiisaha & Fasaxa Shaqada waa meelaha raadka isbaddelka Togan uu kasoo shaac-baxay, dakhliga ayaa ka wanaagsan sidii hore oo kor ayuu u kacay tan iyo markii uu billowday howlgalka la dagaalanka Musuqa.

Bishii Juun 2023 ee dhowaan idlaatay waxa uu Kororka Fiisaha gaaray $480,550 halka fasaxa shaqada oo cagta saaray $340,730 tani waxa ay muujineysaa howsha la qabtay ee horumarka muuqda laga sameeyay la dagaalanka Musuqa.

Like it? Share it!

Leave A Response