MW Xasan Sheekh oo maamuusay Madaxdii ka qeyb gashay Shirkii Muqdisho

by admin | Saturday, Jul 15, 2023 | 108 views

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Alshabaab.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi

Like it? Share it!

Leave A Response