Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay howlgalada ka socda Jubbaland

by admin | Saturday, Jul 15, 2023 | 116 views

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, iyadoo Madaxweynahu uu warbixin la xiriirta howlgalada socda ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay maalmahii lasoo dhaafay Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay Axmed Madoobe.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada ilaa hada la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka loona baahan yahay in lasii joogteeyo.

Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response