Dagaal ka socda Laas-Caanood & khasaaro ka dhashay

by admin | Monday, Feb 6, 2023 | 346 views

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal u ka socdo gudaha magaalada gaar ahaan qeybta bari ee magaalada.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Ciidamada Somaliland ay isku dayeen inay soo galaan balse Ciidamada hubeysan ee degaanka ay ka hortageen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in la maqlayo dhawaqa rasaas iyo hub xooggan, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka.

Dagaalka magaalada ka qarxay ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta la filayo inay soo baxaan go’aammada shirka odoyaasha dhaqanka ee deegaankaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalka, waxaana ay sheegtay in Ciidamada Somaliland la soo weeraray.

Hoos Ka Akhriso qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

WAR-SAAFADEED

Hageysa-6-02-2023, saaka subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad diidka ah ee ku sugan Magaalada.

Kooxa weerarka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul, wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari.

Like it? Share it!

Leave A Response