Dalkeenu Dowladnimo Taam ah Ma Gaari Doono Inta Dulmiga La Isku Garabsiinayo.

by admin | Tuesday, Feb 27, 2024 | 44 views

Reerkii uu ka dhashay wiilkii loo heystay inuu xaaskiisa gubay deegaankiisa isaga oo gaaray ayay dadka deegaankii uu u dhashay inta ay gacan siiyeen Hey’daha Amniga waxaa la soo qabtay eedeysanaha oo sharciga la horkeenay balse reerkii dilay Macalinka iskuul iyaga oo aan tixgalin Diin Islaam ,Dhaqan ,Wadadhalasho iyo Dowladnimo toona ayaa waxa ay wiilkooda ku magan galiyeen deegaankooda si uu u sii baxsado.

Gobnimada la sheegaa ee leys dheer-yahay waa intaa ee ogaada.

Hey’adaha Amniga wey awoodaan in ay eedeysanaha soo qabataan ee dań kamą laha oo waxa u fudud dambiilayaasha reeraha qaar in ay todobaad ka yar kiisaskooda ku gabagabeeyaan, qisaasta meel aan munaasab aheyn lagu fuliyo,racfaan loo diido ,laga qariyo waalidkii si aanu u dardaarmin ruuxa la dilayo ,waa sida kal hore dhacdaye.

Waxaan joognaa dal ay caddaalad darro la dagtay ,qiyamkii , xishoodkii iyo dadnimadii laga fogaaday,dulmigana la isku garabsiiyo. Hadii gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiigalaha oo maxkamad ay xukunto ,xigtada Marxuumka waxa u banaan sadax arimood, in ay dalbadaan in loo qisaaso, in ay mag ama diyo ka qaataan ama in iska-kay cafiyaan ,hadiise aan intaas fursad la isu siin, waa ku takrifal awoodeed iyo gardarro garab og.

In qof muslim ah gardarro lagu dilo diimaha samaawiga oo dhan way xaaraantimeeyeen. ALLE SW suuratul Maa’ida wuxuu ku sheegay ‘Qofka qof gardarro ku dila uu la mid yahay isagoo dadkoo dhan wada laayey, qofka qof kaliya nooleeya in uu ka dhigan yahay isagoo dadkoo dhan wada badbaadiyey’

Ogaada inta dulmigu mabaax yahay oo aan sharciga hortiisa loo sinneyn ma sugeyno Dowlad taabbagasha . Balse waxaa isweydiin leh dambiilaha ma jiri doontaa in cid garabsiisa maalinka Aakhiro ee Alle hortii lawada taagan yahay. Maya ! meeshaas beey Caddaalad taalla ee khaatumadeena Alle ha innoo hagaajiyo.

w/d Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoo.

Like it? Share it!

Leave A Response