“Dawlad baa ka dambaysay” weerarkii Imaaraadka lagu qaaday

by admin | Friday, Jun 7, 2019 | 745 views

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay “in ay u badan tahay in dad dawlad salka ku haya ay ka dambeeyeen weerarradii lagu qaaday afarta markab ee xeebaheeda ku sugnaa.

Weerarradii dhacay 12 bishii Maajo waxay ahaayeen kuwo “farsamadoodu sarrayso oo abaabulan,” sida ay ku sheegay warbixinta ay soo saartay.

Isutagga Imaaraadka Carabta ma aysan sheegin cidda ka dambaysay weerarkaas, kaas oo sidoo kale lagu bartilmaameedsaday maraakiib ay lahaayeen Sacuudi Carabiya iyo Norway.

Maraykanka ayaa weerarradaas ku eedeeyay Iiraan, balse Tehran ayaa diidday arrintaas waxayna ku baaqday in baaritaan la sameeyo.

Weerarradan ayaa 12 bishii Maajo ka dhacay gudaha biyo xadeedka Imaaraadka, gaar ahaanna bariga Fujairah oo wax yar uun ka baxsan marin biyoodka Hormuz.

Masuuliyiinta Imaaraadka ayaa sheegay in afar markab lagu qaaday “weerarro minjo xaabin ah”.

Ma jiraan dad ku dhintay weerarradaas balse Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in labo ka mid ah maraakiibtooda ay soo gaareen “waxyeelo baaxad leh”.

Like it? Share it!

Leave A Response