Maalintii La aas aasay Ciidamada Jabuuti ayaa shalay Gobolka Hiiraan Laga Xusay

by admin | Friday, Jun 7, 2019 | 705 views

Magaalada Buulo Burde ayaa waxaa manta ka dhacay munaasabada xuska 42 sano guuradii ka soo wareegtay markii la Aas-aaska ciidamada Qaranka Jabuuti.

Munaasabad ayaa waxaa ka qeybgallay ayaa waxaa ka qeybgallay saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM, mas’uuliyiinta maamulka degmada , waxgarad, ururka dhalinyarrada, Saraakiisha ciidamada dowlada

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howlgalka Midowga Africa ayaa goobta ku soo bandhigay gaada ka cayaar, sidoo kale saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa khubado la xiriira taariikhda ciidamada halkaa ka soo jeediyay.

Sarakiisha  ayaa sheegay in marka laga soo tago in ciidamada Jabuuti ay difaacayaan dalkooda dhinaca kale ay kaalin weyn ka qaadanayaan soo celinta nabad galyada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ciidamada Jabuuti Soomaliya aysan ka tagi doonin ilaa laga helayo nabad waarta.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa ka howlgala deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, iyaga oo saldhigooda ugu weyn ku leh magaalada Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response