Sarkaal Ciidan oo isku daldalay Magalada Muqdisho

by admin | Friday, Jun 7, 2019 | 749 views

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xerada Ciidamada ee Xaafada Sheelare oo ka tirsan degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir uu isku daldalay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalkaas oo lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed uu xarig qoorta surtay,sidaasina uu isku daladalay,isaga oo xiran Darajada Gaashaanle dhexe,isla markaana goobtii uu isku daldalay uu ku geeriyooday.

Dadweynaha ku nool Xaafada Sheelare ee degmada Xamar Jajab ayaa isugu soo baxay Goobta uu isku daldalay,iyaga oo aad uga naxay is daldalaada Sarkaalka oo ay aad u yaqaaneyn.

Weli lama cadeyn waxa ku kalifay in sarkaalkaas uu is daldalo,hayeeshee waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay heysteen duruufooyin kala duwan taas oo ku qasabtay in uu is daldalo.

Dhacdooyinka la xiriira is daldalaada ah ayaa mararka qaar waxaa ay ka dhacaan gobolada dalka Soomaaliya,wana kuwa dhif iyo naadir ah,hayeeshee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kama hadlin is daldalaada uu sameeyay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response