Dawlada Oo Ka Laabatay Go’aan Hore U Gaartay Oo Ka Dhan Ahaa In La Dilo Dagaalyahanada Katirsan Ururka Al Shabaab

by admin | Sunday, Jan 13, 2019 | 1026 views

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa  Shir Jaraaid oo uu  ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Nabad diidka Al-Shabaab

General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba  ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in maleyshiyaadka ka tirsan Nabad diidka Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa ugu dambeynti beeniyay Hadal ay si qaldan u turjumeen warbaahinta, kaasi oo ahaa in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada

Ugu Dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan maleyshiyada Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka

Like it? Share it!

Leave A Response