DFS & dowlad Goboleedyada oo Shir ka yeeshay howlgallada ka socda dalka

by admin | Friday, Oct 28, 2022 | 300 views

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Muqtaar Rooboow Cali iyo Wasiirada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedyada.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Awqaafta, heer federaal iyo heer dowalad goboleed, ee ku aaddan hawlgallada dalka looga saarayo  Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa bogaadinayaa kaalinta hormuudnimo ee Wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee jiheynta dedaalada dalka looga samatabixinayo khataraha Al-Shabaab.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Rooboow Cali ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii dagaal adag loola geli lahaa Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin dalka & dadka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku aadan sidii looga qeyb qaadan lahaa howlgallada ka socda dalka, iyada oo amarro ka dhan ah Al-Shabaab dhowr jeer soo saartay.

Like it? Share it!

Leave A Response