Ruushka oo markale weeraro ku qaaday xarumaha korontada ee Ukraine

by admin | Friday, Oct 28, 2022 | 222 views

Shirkadda korontada ee dawladda Ukraine ayaa sheegtay inay xadidayso isticmaalka korontada ee gobollo badan oo dalka Ukraine ka mid ah, ka dib markii uu Ruushku markale weerar ku ekeeyey kaabayaasha korontada ee dalkaas.

Ukraine ayaa sheegtay in khasaaraha ka dhashay weerarada uu Ruushku ku qaaday kaabayaasha korontadu inay dhaawac u geysteen qalab kala duwan oo yaallay bartamaha dalkaas. Waxay sheegeen inay lagama maarmaan tahay in la xadido isticmaalka korontada, si looga hortago, in culays-xad dhaaf ah oo soo foodsaara shabakadaha korontada qaybiya, isla markaana loo fududeeyo in la hagaajiyo meelaha waxyeelladu soo gaadhay.

Weerarada cusub ee lagu qaaday kaabayaasha tamarta ee dalka Ukraine ayaa yimi, iyada oo madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu uga mahadceliyey shaqaalaha waaxda tamarta, dedaalkooda dib loogu hagaajinayo korontada.

Like it? Share it!

Leave A Response