Dhimasho & dhaawac ka dhashay gaari Bas ah oo lagu qarxiyay duleedka Mandheera

by admin | Wednesday, Mar 24, 2021 | 286 views

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Koromey ee ismaamulka Mandera, waxaana uu qabsaday Gaari Bas ah oo nuuca rakaabka qaado ah.

Gaariga ayaa ka tegay deegaanka Lafey , waxaana uu ku wajahnaa  magaalada Mandera, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay laba qof halka 10 kale ay ku dhaawacmeen

Taliyaha Booliska ee ismaamulka Mandera Rono Bunei ayaa xaqiijiyaydhacdadaan, waxaana uu sheegay in dhaawacyada la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Mandheera si halkaasi loogu daweeyo.

Sidoo kale waxaa qaraxa uu burbur xoogan u geystay Gaariga Baska ah oo dadka saran badankood ay ahaayeen shacab doonayay in ay tagaan magaalada mandheera ee Gobobolka Waqooyi BARI.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, hayeeshee inta badan degaannada Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa qaraxyada noocaan oo kale ah ka fuliya Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response