Dhimasho & dhaawac ka dhashay shil ka dhacay duleedka Garoowe

by admin | Wednesday, Feb 24, 2021 | 305 views

Shilkan Gaari oo geeystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur xoogan oo soo gaaray mid kamid ah gaadiidkii shilka galay ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka laanta hawada ee duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kala ah iska-roge iyo kan loo yaqaano Brobox, kuwaas oo marayay duleedka Bari ee Magaalada Garoowe, waxaana inta la xaqiijiyay shilka ku dhintay Saddex Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Saddex Ruux ayaa ku geeriyooday, laba kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii xalay laba gaari isku dhacday duleedka bari ee magaalada Garoowe.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland, ayaa xaqiijiyay in shilkaas uu ka dhacay halkii laga raray Kantaroolka dhanka bari ee caasimadda Garoowe, isla markaana gurmad ay u sameeyeen.
ka Ilaalada Waddooyinka Puntland oo tegay halka uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay wadaan bartano la xiriira sababaha keenay shilka, iyada oo dadka halka uu shilka ka dhacay ku nool ay gurmad u sameeyeen gawaarida shilak gashay.
Sanadkii la soo dhaafay waxaa degaannada Puntland kusoo batay shilalka gaari, kuwaas oo geysanaya khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.

Like it? Share it!

Leave A Response