Dowladda Finland oo dalalka ay kujirto Somalia ugu deeqday lacag wax looga qabanayo abaarta

by admin | Wednesday, Nov 9, 2022 | 220 views

Finland ayaa sheegtay inay u qoondeysay ilaa 15.7 milyan oo Yuuro oo gargaar ah si loogu taageero shixnadaha badarka ee Geeska Afrika. Go’aanka ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Finland.

Kaalmada waxaa bixin doona Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNCHR), Laanqeyrta Cas ee Finland iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), sida lagu sheegay qoraalka.

Ilaa todobo milyan oo Yuuro oo lacagtaas ka mid ah ayaa la marsiin doonaa dadaallada ay waddo hay’adda cunnada adduunka ee WFP si loo hubiyo in haruurka Ukrain ama Masagada loo raro Soomaaliya.

Sicir bararka cuntada ayaa heerkii ugu sareeysay gaartay Geeska Afrika sababo la xiriira abaaro dhacay, kuwaas oo sababay in in ka badan 20 milyan oo qof ay u baahdaan gargaar si ay u daboolaan baahidooda nafaqeynta, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Shan xilli roobaad oo isku xigta ayaa sidoo kale ka dhigan in gobolka uu ku tiirsan yahay haruurka la soo dhoofiyo, kaas oo ay la kulmeen carqalado weyn oo ka dhashay dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.

“Weerarka Ruushka ee Ukraine wuxuu ka sii daray helitaanka cuntada wuxuuna sare u qaaday qiimaha. Faafida COVID-19 iyo, meelaha qaarkood, saameynta isbeddelka cimilada ayaa sidoo kale caqabad ku ah helitaanka cuntada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sidaweyn uga dhacday abaarta, waxaana laga cabsi qabaa inay isku bedeshao macluul maadaama aysan jirin qorsho cad oo dowladda Soomaaliya u diyaarisay si looga hortago.

Like it? Share it!

Leave A Response