Faafaahin: Gaari Qaraxyo sidday oo lagu qabtay Baydhabo

by admin | Wednesday, Dec 12, 2018 | 824 views

Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ku qabtay gaari siday Bambooyin ,kaasoo la doonaayay in lagu dhibaato Shacabka kunool Magaalada Baydhabo sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

Gaarigaan oo ka yimid deegaano dhaca duleedka Magaalada Baydhabo, ayaa markii uu soo gaaray Koontaroolka laga galo Magaalada, waxaa baaris ku sameeyay Sarkaalka haysta Koontaroolkaasi oo jawaan gaariga saarnaa ka soo dhex bixiyay waxyaabaha qarxa.

Xasan Maxamed Xuseen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, ayaa sheegay wadayaasha gaariga & bambooyinka in gacanta lagu haayo, islamarkaana uu aad ugu mahadcelinaayo sarkaalka qabtay shaqadaasi, maadaama qaraxyadaasi la qorsheynaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa 19-ka Bishan isku diyaarinaysa qabsoomida doorasho ka dhacda Magaalada Baydhabo ,iyadoo si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaaladaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response