Faafaahin:Dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

by admin | Friday, Jul 12, 2019 | 911 views

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Kulbiyoow oo ku yaalla xadka hala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Jubbaland  iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii  Al-Shabaab ay weerarku qaadeen saldhig Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow,waxaana goobjoogayayaal ay sheegeen in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland,balse waxaan weli ka hadlin sheegashada Al-Shabaab saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response